Akhriso:-Magacyada dadkii saakay AMISOM ku dishay Muqdisho

Ciidamada Midowga afrika gaar ahaan kuwa Burundi ayaa saakay waxa ay agagaarka Isgoyska ex-koontorool Balcad ku dishay Afar ruux oo la sheegay inay ahaayeen dhamaantood Shacab.

Dilka ayaa yimid kadib markii kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM qarax miino lala eegtay,isla markaana rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM ay dadkaasi ku dhinteen.

Qaar ka mid ah Ehelada dadka la dilay oo Warbaahintala hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin falka lagu dilay dadkaasi,isla markaana ay dowladda ka dabanayaan inay waxka qabato.

Hoos Ka Akhriso Magacyada dadka ay AMISOM saakay dishay.

Qaasim Daahir Kheyre oo Darawal ahaa

Xasan Yuusuf Siyaad oo Darawal ahaa

Cali Shir Ugaas oo ahaa Darawal.

Axmed Maxamuud Baseey oo ahaa Darawal Mooto Bajaaj.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor