Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddi aas Qaran 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo  ku geeriyooday dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;

 

  1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
  2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
  3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
  4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
  5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
  6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
  7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
  8. Cumar Cali Rooble, Xubin
  9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
  10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
  11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor