Qoorqoor oo dib ugu laabtay Dhuusmareeb

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxaana Madaxweyne Qoorqoor uu dhex-dhexdaadin ka dhex waday Midowga Musharixiinta iyo Dowladda hadda talada haysa, waxaana Wafdiga  Madaxweynaha ay ka dageen  garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur, halkaasi oo  si diiran loogu soo dhaweeyey.

madaxweyne ku xigeenka Galmudug  Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan labada Gole DGM, maamulka caasimadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshadaa ayaa ka qayb qaatay soo dhaweynta madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Wararku waxaa ay sheegayaan in wali Qoorqoor uu wado sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa Musharxiinta Mucaaradka ah iyo Dowladda.