Qofkii ugu horeeyay oo Puntland ugu geeriyooday Coronavirus

Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland Dr. Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay kiisas la xiriira Corona oo laga helay deegaanada maamulka Puntland iyo qofkii ugu horeeyay oo u geeriyooday.

Wasiirka ayaa tilmaamay in nin Oday ah oo looga shakiyay Faruska baaritaankiisana lagu maqnaa uu geeriyooday hase’ahaatee la xaqiijiyay baaris kadib in uu qabay Corona.

Wasiirka caafimaadka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhimashadaan ay tahay tii ugu horeysay hayeeshee in ay rajeynayaan in ay noqoto tii ugu dambeysay

Dadka ayuu faray in ay qaataan talooyinka caafimaad ee lasiinayo isla markaana ay joigteeyaan faraxalka iyo looga hortago xanuunkaan.