Shirkan deg dega ah ay isugu yimaaden Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’adda kala duwan ee Howlgala deeganada Koonfur Galbeed ,ayaa waxaa shir Gudoominaayay kusimaha Madaxweyne Lafta-gareen ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye .
Waxana ka soo qeyb galey shirka qaar ka mid ah hay’adaha kala duwan ee ka howlgala Koonfur galbeed oo ay ka mid yihiin UN OCHA, WFB ,UNICEF, iyo IOM iyo Hay’ado kale ,
Shirka Sidoo kale waxa goob jog ahaa Maamulka Gobolka Baay iyo Qaar ka mid ah Gudoomiyaasha kamamka Magaalada Baydhabo ,iyo Wasiirada Wasaradaha Dowlad Gobolledka koonfur Galbeed Soomaaliya , oo kala Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka , Arimaha Gudaha, Wasarada Tamarta Iyo Khayradka Biyaha , iyo Wasaarada Arimaha Gar gaarka Maaraynta iyo Masiibooyinka oo shirka soo qaban qaabisey iyo Mas’uuliyiin kale.
Shirka ayaa Inta badan waxaa aad looga doodey sidii gar gaar Bani’aadnimo loo gaarsiin laha Dadka Danyerta ah ee ku nool Gobolada Baay Bokool ,iyo Shabeellaha Hoose oo Biyo la’aan iyo Cuduro laga soo sheegeyo Qeybo Ka mid ah deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kullanka oo wakhti Badan qaatey marka uu soo Dhamaadey waxaa Warbaahinta Faafahin Ka Siiyay Waxyabihii looga hadaley Wasiirka Wasaaradda arimaha Gar-gaarka Maaraynta Iyo Masiibooyinka Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Abdinaasir Caruush.