Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Goordhow la filayaa inuu si rasmi ah uga furmo wejiga labaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Dhuusamareeb ka socday kulamo gaar-gaar ah oo Madaxda ay yeelanayeen, kuwaasi oo hordhac u ahaa Shirka wadatashiga ee daqiiqado kadib furmi doona, waxaana kulamada gaar gaarka ah lasoo Gaba-gabeeyay Maanta.
Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa weli isku mari la’ qodobada qaar ee si aadka ah ay uga doodeen, waxaana kamid ah Arrinta Doorashada oo aan weli la isku raacin nooca ay noqoneyso.
Shirka u furmaya Madaxda waxaa uu Ajendihiisu yahay Khubad jeedinta dhammaan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Khudbadaha lagu saleyn doono Arrimo kala duwan, waxaana Mas’uul kasta la siiyay 10 daqiiqo.
Madaxtooyadda Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee uu ku furmayo Shirka Madaxda, isla markaana waxaa markii uu soo dhamaado laga soo saari doonaa War-murtiyeed.