Qaabka loo sugayo ammaanka shirka berri oo uu muran ka taagan yahay

Waxaa muran xooggani uu ka taagan yahay amaanka shirka la filayo in maalinimada berri ah u ka furmo magaaalda Muqdisho, gaar haan Teendhada Afisyooni, wxaana  Labo kulan oo saraakiisha AMISOM iyo UN-ka ee qaabilsan sugitaanka Amniga shirka berri ay si gaar gaar ula kala yeesheen saraakiisha Amniga Madaxtooyada iyo kuwa Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu guuldarraystay in si rasmi ah la isugu raaco qaabka loo sugayo ammaanka goobta shirku ka dhacayo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ay socdaan dadaalo ay waddo AMISOM oo la isugu keenayo labada kooxood ee kala mataleysa Madaxtooyada iyo labada Dowlad goboleed jubbaland iyo Puntland, , waxaana xusid mudan in si guud looga mideysan yahay in amniga guud ay AMISOM la wareegto.

Berri ayaa la filayaa in uu furmo shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah, waxaana Madaxweyne Framaajo uu mar kale isugu yeeray shir, kaasi oo loo madalsan yahay in berry oo sabti ah uu furmo.