• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweyne Biixi oo Jawaab ka bixiyey Cabashada Mucaaradka Somaliland ee Doorashada

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 20, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 3 mins read
A A
Madaxweyne Biixi oo Jawaab ka bixiyey Cabashada Mucaaradka Somaliland ee Doorashada
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka u sharraxay ujeeddada ay salka ku hayso cabashada kasoo yeereysa axsaabta mucaaridka ah ee ku saabsan hirgelinta doorashooyinka kusoo foolka leh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasabad, ayaa ugu horrayn bulshada usoo jeediyey inaanay dhib weyn u arkin buuqa siyaasadeed ee taagan, shaqada xisbiyaduna tahay dood iyo kala jiidashada shacabka,

Wuxuu axsaabtana ugu baaqay inaanay marnaba ka tegin milgaha iyo sharafta, waxana uu yiri ,“Shacaboow mid ogaada, yaan laga sasin buuqa iyo muranka asxaabta, waana meel talo lagu wadaagayo oo ra’yiyo kala duwan baa la isla jiidaya , laakiin ma aha meel lagu ducaysto oo masaajidka oo kale ah, doodda xisbiyada iyo muranka xisbiyadu waa xaq dastoori ah, waana waxa aynu u abuurannahaye waa inaynu aqbalnaa.

Madaxweynuhu ayaa waxa uu sheegay in aan lagu socon Karin rabitaanka cid gaar ah, sharciyadda aanay taas sinaba u yeelaynin,“Haddii ay dooddu inaga gasho waxaan doonayo oo aan helo mooyaane waan duminayaa, taas diintuna ma oggola dastuurkuna ma oggola, sharcigana ma oggola oo doon baynu wada saarannahay,

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay doodaha axsaabta mucaaradku aaminsan yihiin iyo sida ay qodobada ay cuskanayaan u jaban yihiin, isaga oo caddeeyey in sharciyadda iyo go’aamadii maxkamadda sare soo saartay aan dhannaba loo dhaafi Karin,

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,“Qodobka labaad ee aanu isku haynaa waxa weeye doorashadii madaxweynaha waqtigeedii halla qabto, yaase diiddan, in doorashadii madaxweynaha waqtigeedii la qabtana waxa muddayn kara Komishanka doorashooyinka, guddidii doorashooyinka oo dhexdooda khilaaf ka yimi oo shaqadii ka wada tagtayna degdeg baan usoo magacaabay, waxana aan u diray Baarlamaanka, labada xisbi ee mucaaridka ah baan ugu badan golaha, saddex buu Baarlamaanku diiday, saddexdabana cidda diidday waxay ahaayeen xisbiyada mucaaridka ah.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu mucaaradka ugu baaqay inay fasaxaan xubnaha Komishanka doorashooyinka ah ee ay xildhibaannadoodu soo celiyeen, si loo dardargeliyo doorashooyinka, maaddaama oo ay komishanku udub-dhexaad u yihiin dhammaanba doorashooyinka.

Ugu dambayntii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caddeeyey inuu mar kasta diyaar u yahay in la wada-hadlo, faq iyo fagaarena la isku arko, isaga oo ka digay isku day kasta oo ka hor imanaya shuruucda.

Previous Post

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Guddi uu muran ka jiro sharci ahaanshahooda

Next Post

Muxuu yahay ujeedka socdaalka MW Xasan Sheekh uu Maanta ku aadayo Tansaaniya?

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00