Puntland oo fashilisay Qaraxyo gacantana ku dhigtay hub

Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa howlgal ay ka saameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas waxaa ay ku sheegeen inay ku fashiliyeen Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah.

Ciidanka ayaa miinada oo lagu aasay xaafad ka tirsan Boosaaso kasoo saaray halkaas, isla markaana ay ku wargeliyeen dadka deegaanka, iyagoona markii dambe Qaraxiyay, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Bari.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu u sheegay in xalay howlgalo qorsheysan laga sameeyay Boosaaso, kaasi oo lagu fashiliyay qarax uu tilmaamay in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka, hayeeshee laga hortegay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Bari in howlgal kale lagu soo qabtay hub badan iyo waxyaabo laga sameeyo qaraxyo, kuwaasi oo uu sheegay Taliyaha in lagu diraayinayay gudaha Magaalada.

Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa shacabka Magaalada Boosaaso  ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda, wuxuuna hadalkiisa intaas kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalka.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca falal amni darro oo isugu jira weeraro iyo dilal qorsheysan, isla markaana waxaa falalkaas inta badan sheegta AL-shabaab.