Muuse Biixi oo soo saaray Xeer mamnuucaya ka qayb qaadashada siyaasadda Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu soo saaray  xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 16/122021, kaasi oo uu ku mamnuucay Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Muuse Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in ka qayb qaadashada siyaasadda Soomaaliya ay tahay Dambi Khiyaamo Qaran oo lid ku ah Somaliland.

Qoraalka oo ka kooban ilaa iyo afar qodob ayaa waxaa digiin loogu diray dadka ku howlan ka qayb qaadashada siyaasadda Soomaaliya, iyadoo hadda ay socoto doorashada Golaha shacabka, taasi oo Somaliland ay ku leedahay Xildhibaanno isugu jira aqalka sare iyo aqalka Hoose, kuwaasi oo Somaliland ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobada kasoo baxay Xafiiska Muuse biixi ayaa lagu yiri sida tan:

1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Go’aanka  labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor