Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland, waxaana Madaxweynaha iyo waftigiisa garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, qaar kamida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, xildhibaano, salaadiin iyo masuuliyiin kale. Waxaana weftiga madaxweynaha si balaaran loogu soo dhaweeyey jidadka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo bulshada qaybeheedu hareero taagnaayeen.
Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa faahfaahin ka siiyey ujeedada safarkaas, waxaanu madaxweynuhu warbaahinta uga jawaabay su’aalo dhawra o ay ka waydiisay arrimaha safarkaasi.