Midowga Musharaxiinta oo Goor dhow Shir xasaasi ah uga bilowday Muqdisho

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow waxaa shir Allaabada u xiran yihiin uga bilowday Hotelka Jazeera ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo Arrimo kala duwan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Shirka Midowga Musharaxiinta u socda looga hadlayo doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday dowlad Goboleedyada iyo doorashada soo socoto ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale xubanaha Midowga ayaa iska xog-wareysanaya xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo doorashooyinka dalka ka socda, waxaana Shir kadib lagu wadaa inay warbaahinta la hadlaan.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Soomaaliya ayaa yaa walaac ka muujiyay hannaanka doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug, inkastoo inta badan Musharaxiinta soo dhoweeyeen Senatarada la doortay.

Shirka Midowga Musharaxiinta ayaa kusoo aaday, iyada oo dalka ay ka socdaan doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, isla markaana la doortay Senatoradii Aqalka Sare ku matelaya Jubbaland, K/Galbeed, Puntland iyo Galmudug, halka Hirshabeelle aan weli la dooran.