Meydka Muwaadin Soomaali ah oo laga helay Xarun ku taalla K/Afrika

Wararka aan ka heleyno Magaalo ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay laga helay Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas kunool.

Meydka Marxuumka ayaa waxaa laga helay Xarunta laga raaco Tareenada “Train Station” ee taalla Magalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in Muwaadinka la dilay.

Dad Soomaali ah oo tegay goobta ayaa waxaa ay inoo sheegeen in Muwaadinka xiligii ay dul-tagayeen Meydkiisa uu qorta xarig uga xirnaa, isla markaana halkaas ka qaadeen, iyagoo geeyay Xarun Meydadka lagu baaro.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay uu la shaqeyn jiray Dad Koonfur Afrikaan ah, welina si dhab ah looma oga sababta keentay dilkiisa Muwaadinkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dhowr jeer dilal loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa goobo Ganacsi, iyadoona dilalka ay usii dheer tahay boob xiliyada qaarkood loo geysto goobahooda Ganacsi.