Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Safiirka Ingiriiska?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya ee Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka, sida uu sheegay Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa wuxuu intaas kusii daray in isaga iyo Safiir Kate Foster ay isla garteen baahida degdegga ah ee loo qabo in la soo gebagebeeyo doorashada inay tahay oo keliya xalka macquulka u ah Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha UK Kate Foster, waxaa ka wada hadalnay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo doorashooyinka, waxaan isla garanay baahida degdegga ah ee loo qabo in la soo gebagebeeyo doorashada inay tahay oo keliya xalka macquulka u ah Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Qoorqoor.

Qoorqoor ayaan weli caddeyn mowqifkiisa ku aadan inuu ka qeyb galayo Shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble, halka maamulada Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen inay ka qeyb galayaan Shirka doorashada ee Rooble, halka Hirshabeelle aysan sidoo kalena ka hadlin baaqa Shirka Rooble, Koonfur Galbeedna ay diiday ka qeyb galka Shirka.