Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bishan December 19-dii saxiixay Wareegto lagu magacaabayo Madasha lagu qabanayo Shirka Maamul-u-samaynta ee Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo Caasimadda Maamulkaasi.
Wareegtadda Madaxweynaha waxay u qornayd sidatan:-
MADAXWAYNAHA J.F.S
Markuu Arkay: Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee Dastuurka J.F.S.
Markuu Arkay: Sharci Lr. 116 ee soo baxay Agosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballadadalka
Markuu Tixgaliyey: Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe
Markuu Garwaaqsaday:  In ay laga mamaamaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo xallinta khilaafaadyada iyo in ay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan.
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:
Qodobka 1aad
Waxa uu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2015 in Magaalada Buulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay yeelanayaan.
 Qodobka 2aad
Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
 Qodobka 3aad
Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri doonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.
Qodobka 4aad
Waxa uu Xeerkaan dhaqan gelayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabicidoonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.
Madaxweynaha J.F.S
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
Â
Â
Â