Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Deni iyo Qoor qoor?

Waxaa magaalada Gaalkacyo dhinaca Waqooyi  ee Puntland kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyaga oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira labada maamul.

Shirka iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa kusoo dhammaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo Amniga, dib u heshiisiinta , xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay si wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo.