Mahdi Guuleed “Doorashada Somalia wareega koowaad yaan loo deyma la’aan sidii saddex maamul Goboleed”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021, kadib markii heshiis laga gaaray Doorashada.

Mahdi Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in guddiga Doorashooyinka la diyaariyay, isla markaana dalka uu aaday Doorasho, sidoo kalena tartan xilka Madaxtinimada uu u furan yahay Muwaadin kasta oo doonaya xilka  Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay Mahdi Guuleed in doorashooyinkii ka dhacay maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay wareejii koowaad kusoo baxeen Musharaxiin ka socday dhanka dowladda Federaalka.

“Doorashadii waa diyaar Madaxda Maamul-goboleedyadu wareeggii kowaad ayey kusoo wada baxeen ee Sannadkaan yaan loo qiimo la’aan 2020 waa xilligiui wareegga 1-aad” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa waxaa uu tilmaamay in dowlad kasta oo shisheeye ee  isku dayda inay soo fara-geliso Doorashada 2020/2021 ay ku hungoobi doonto.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa hadalkaan ayaa waxaa uu ka sheeagy Munaasabada daah-furka Manhajka Qaranka oo lagu qabtay Tiyaatarka , isla markaana ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.