Madaxweyne Siciid Deni oo dib u magacaabay Maxkamadda Sare

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabidda Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboledka Puntland.

Madaxweynaha  Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowlad Goboledka Puntland Qodobkiisa 90-aad

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboledka Puntland.
  2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Puntland
  3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland
  4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowlad Goboledka Puntland.
  5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland

Waxaa kale oo la magacaabay

  1. Keydka
  2. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
  3. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
  4. Xubno Guddi
  5. Daahir Maxamed Nuur
  6. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.