Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo gaaray Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Kismaayo u tegay kulan uu la qaadan doono Madaxweyne Axmed Madoobe, iyagoona ka wada arrisan doona Arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah waxaa ay isku dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taallo Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ku tego Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose tan iyo marka loo doortay xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo amniga aad loo adkeeyay.