3 qof oo rayid ah ayaa la dilay, halka Tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay meel ku dhow Degmadda DAMAT ee Gobalka AL-DHALAC ee Koonfurta dalka Yemen.
Ilo-wareed ka tirsan Ciiddan taabacsan Dowladda Yemen ayaa sheegay inay Maleeshiyad Kooxda Xuutiyiinta qarax la beegsadeen dad doonayey inay helaan Tallaalka looga hortago Cuddurka Laayaanka ee COVID 19.
Afhayeenka Ciiddanka Gobalka AL-DHJALAC, Kabtan Fu’aad Jubari ayaa sheegay inay Kooxda Xuutiyiinjta shalay galab gacanta ku dhigeen dad rayid ah, oo ku sii jeeday Deegaanka MUREYS oo ay Ciiddanka Dowladda maamulaan, si ay u qaataan Tallaalka COVID 19.
Waxa uu intaasi ku daray inay Xuutiyiinta dadkaasi ku xireen dhjismo ku yaalla meel ku dhow Bar Kontorool, ka hor intaysan la beegsanin qaraxa sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca Tobaneeyo kale, waa sida uu hadalka u dhigay.