Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa weli wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Siyaasiyiin iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulankii ugu dambeeyay Maanta oo sabti ah la qaatay Safiirka dowladda Jabuuti u jooga Magaalada Muqdisho Aadan Xasan Aadan, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya iyo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ee ka dhacaya Xalane.
“Waxaa maanta booqasho iigu yimid Safiirka Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Danjire Aadan Xasan Aadan, oo aan ka wada hadalay arimaha Doorashada dalka iyo dardar galinta shirka soo socda ee lagaga hadlayo arimaha Doorashada” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Maadxweynaha Jubbaland ayaa inta ku sugan yahay Caasimadda dalka ee Muqdisho kulamo kala duwan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Siyaasiyiin iyo Ururada Bulshada Rayidka, isagoona ka qeyb geli doono Shirka Madaxda eek a dhacaya Xerada Xalane.