Dhageyso:-Madaxweyne Deni oo ka hadlay Dilkii Caasho Ilyaas Aadan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cambaareeyey falkii arxan darada ahaa ee habeen kahor loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Allaha u Naxariistee Caasho Ilyaas Aadan oo jirtay 13-sano.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenku yiihiin dadka ay ku jirto karaamada bini aadamka, wuxuu tilmamaay in ay yihiin laf dhabarta bini’aadamka iyo horumarka bulsho kasta.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku xad gudubta xaquuqda bini’aadamka.

Dhinaca kale Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tacsi u diray eheladii,qaraabadii iyo dhammaan Shacabka Soomaalieed ay ka baxday Marxuumad Caasho Ilyaas Aadan,isagoona ku amray laamaha amniga in ay si deg deg ah baaritaano dhab ah ugu sameeyaan dilkii loo geystay Marxuumada.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Saciid Deni.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media