Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dowladda Imaaradka Carabta  uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen  abaaraha ka jira Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta Muqdisho soo gaarsiisay Gargaar raashin ah oo ay ugu tala-gashay dadka ay saameeynta ku yeesheen Abaaraha ka jira Gobolada dalka, waxaana gurmadka la wareegay Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale qaaday tallaabo uu dib ugu soo celinayo xiriirkii xumaaday ee u dhexeeyay dowladda Federalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta….