Muwadin Somali ah oo weraray police ku xukumay lix bilood oo xabsi ah.

Wiil Somali oo 25-sano jir ah oo ku noolaa jasiirada Malta, ayaa waxaa  lagu xukumay lix bilood oo xarig ah,  ka dib markii maxkamad ay shegatay in ay ku heshay danbi ah in uu weray  sarkaal boolis ah, kuwaas oo muwadinka somalida ah ka dalbaday in uu codkiisa hoos uu udhigo.

Magistrate  Doreen Clarke ayaa shegay in  Hussen Abdi Rahman Hassan loo arkayay  inuu  sarkhaansanaa oo uu ku lug lahaa iskahorimaad ka dhacay degaanka Marsa 13 December 2014 , markii uu nin bilays ah uu  weyddiistay dad goobtaasi joogay in ay codkooda hoos udhigaan .

Sidoo kale muwaadinka somalida ah ayaa lagu eedeyay in uu hogaamiyay koox dooneysay in ay werar ku qaadaan xaruumo police oo dalkaasi ku yaalay.

Eedeymaha noocaan oo kale ah ayaaney ku cusbooneen jasiirada Malta, sida uu qorayo wargeyska Malta Today.

Sanadkii hore ayaa waxaa sidan oo kale xukuno loogu riday shaqsiyaad ay Somali ku jirto oo la shegay in ay sarqaansanaayen kuwaadoo ku qamaayay xaruumo police.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor