Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta magacaabay Xeer Ilaaliye cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta oo talaado ah magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Aadan Mukhtaar Suuriye u magacaabey inuu noqdo Xeer ilaaliyaha Guud ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Magacaabista Aadan Mukhtaar Suuriye ayaa waxaa lagu sheegay inay timid, kadib markii talo soo jeedin uu sameeyay Wasiirka Cadaalada Maamulka, kuna saabsan magacaabista Xeer ilaaliyaha Guud.

Xeerka magacaabista ee uu sameeyay Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dhaqan galaya markii uu saxiixo, isla markaana waxaa uu saxiixay Madaxweynaha.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ee kasoo baxday Lafta-gareen.