Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa sheegay in dib u dhis iyo habeyn lagu sameynayo Ciidamada xoogga dalka.
Waxa uu sheegay inay bilaawdeen tababarada lasiinayo Saraakiisha,kuwaas oo bilaaw u noqonaya dagaalka lagula jiro musuq maasuqa.
Waxa uu Ciidamada uga digay musuq maasuqa,waxaana u sheegay in askarigii lagu arkaa tallaaba laga qaadi doono.
Digniintaan ka soo baxday Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa xilli Madaxweyne Farmaajo iyo taliyeyaasha Ciidamada ay sheegeen in dib u habeyn lagu sameyn doono Ciidamada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada xoogga.