Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degaano ka tirsan G/Mudug

Madaxweynaha Galmudug dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho kooban ku tagay deegaanada Wargalo iyo Gal-barwaqo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Booqashadan oo qeyb ka ah safarka nabadda ee uu Madaxweynuhu ku marayay deegaanada Galmudug ayuu ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyeey deegaanada Wargalo iyo Gal-barwaaqo.

Safarka Madaxweyen Qoorqoor ayaa waxaa ku wehlinaayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Maamulka Galmudug

Dhinaca kale Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha amni, caafimaad iyo waxbarasho ayaa waxa uu dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo Hospital iyo Dugsi Waxbarasho ee uu yeelanayo deegaanka Gal-barwaaqo.

Maalmihii lasoo dhaafay  Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu socdaal ku marayay deegaano iyo Magaalooyin ka tirsan Galmudug, isagoo halkaas kula kulmay Dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin kala duwan.