Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay Odey Muqdisho loogu dilay sigaar dartiis

Duhurnimadii Maanta ayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka waxaa uu qof shacab ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta dhinaca Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qofka la dilay uu ahaa Nin Odey ah oo goob yar oo Ganacsi ku lahaa agagaarka Isgoyska Ceel-gaabta, waxaana dilkiisa uu yimid, kadib markii Askariga uu Ninka ka dalbaday inuu Sigaar siiyo, balse uu ka diiday, sidaasina uu Askariga rasaas ugu furay Ninkaas.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ka hadlay dilkaas ayaa waxaa uu sheegay in xiliga uu falku dhacay uu kusoo aaday goobta, isagoona xusay in Ciidankiisa ay qabteen Askariga.

“Waxaan anigoo marayay wadada ceelgaabta ee aada Madaxtooyada dhanka degmada Xamarjajab ku soo aadnay xili fal dil ah uu geystay askari katirsan booliiska kaas oo qof shacab ah ku dilay agagaarka ceelgaabta” ayuu yiqi Tuulax.

Ugu dambeyn Guddoomiye Tuulax ayaa uu tilmaamay in Askariga dilka geystay ay ku wareejiyeen Saldhiga Booliska degmada Xamarjajab, isagoo sheegay in lamarin doonaa ciqaabta uu leeyahay baaritaanada kadib.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media