Maamulka G/Banaadir iyo Jarmalka oo ka wada hadlay amniga Doorashada

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiir ku-xigeenka Safaarada Dowlada Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb Sascha Andreas kienzle.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay, Qorshaha uu maamulka Gobolka Banaadir ku hirgalin doono Xarun dhalinyarada lagu Bari doono zxirfadaha kala duwan oo ay taageri doonto dowladda Jarmalka.

Guddoomiye Cumar Finish iyo Amb Sascha Andreas ayaa sidoo kale ka wada hadlay arimo la xiriira taageerada dib u dhiska Caasimadda Soomaaliya sida wadooyinka iyo Bulaacadaha oo ay Dowladda Jarmalka taagerayso dhawaan.

Ugu danbeyn duqa Magaalada Muqdisho Cumar Finish iyo Safiir ku-xigeenka Safaarada Dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb Sascha Andreas kienzle ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo Doorashooyinka dalka, wuxuuna Safiirka sheegay in amniga uu yahay mid muhiim oo loo baahan yahay in xili kasta laga hadlo.