Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kordhisay waqtiga xirnaashaha xarumaha Waxbarashada ee ku yaalla Maamulkaas oo loo xiray sababo la xiriira faafida Cudurka halista ah ee COVID-19.
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo Qoraal soo saartay ayaa waxaa ku sheegtay in la kordhiyay waqtiga xirnaashaha xarumaha Waxbarashada oo markii horey xirnaa laba todobaad kuna ekeyd 18-ka bishaan, hayeeshee lagu kordhiyay saddex todobaad.
Wasaaradda ayaa Ardayda, Macalimiinta, maamulada Iskuulada iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha fartay inay fuliyaan amarka kasoo qaaday Wasaaradda oo lagu doonayo in lagu xakameeyo faafida Cudurka COVID-19 oo markii labaad soo laba kacleeyay.
Sidoo kale Maamulka Galmudug ayaa Macalimiinta iyo maamulada Iskuulada ka dalbaday inay la socdaan oo ay iska xil saaran xaaladaha Ardayda dhigata goobaha Waxbarashada, ayna u sameeyaan madal ay ku kala Warqaataan.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.