Somaliland ayaa soodhweysay wakiil Cusub oo ay dhawaan Dowladda Itoobiya usoo magacowday xafiiska ay ku leedahay Magaalada hargeysa ee xarunta u ah Somaliland.
Wakiilka Cusub ee Itoobiya ayaa lagu magacaabaa Siciid Muxumed Jibriil waxaana uu ahaa nin in muddo ah kasoo shaqaynayay gudaha Somaliland, waxaana xusid mudan in uu mar soo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Jaamacadda Hargeysa oo ah jaamacad ka mid ah kuwa dowliga ah ee ku yaalla gudaha Somaliuland.
Siciid Muxumed Jibriil ayaa horay ay usoo magaacowday Dowladda Itoobiya, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ay kusoo dhaweeyeen xarunta Somalailand ee Hargeysa.
Dowladda Itoobiya ayaa xariir dhaw waxaa ay la leedahay Somaliland, waxaana horay u joogay wakiillo ka socda dowladdaasi, kuwaas oo ku sugnaa xafiiska ay Itoobiya ku leedahay degaanada Somaliland.