Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo lagu kala tegay

Xarunta Villa Haegeysa ayaa waxaa ka taagan xaalad Jahwareer ah, waxaana kulan la filayay inuu u furmo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday uu mar qura isku bedelay Buuq iyo Fowdo.

Kulanka Golaha Shacabka ee furmi lahaa ayaa lagu kala tegay, kaddib markii furitaanki shirka ay is hortaageen qaar ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka oo diiday in shirka furmo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa faray howl wadeenada Barlamaanka in ay soo qoraan xildhibaanada is hor istaaga ku sameeyay kulanki maanta si tallaabo looga qaado sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Cudurka halista ah ee COVID-19, hayeeshee qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in kulanka lagu wato qorshe muddo kordhin loogu sameeynayo Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha.

Xildhibaano farabadan oo ka tirsan Golaha Shacabka oo goorsii horreeysay Xarunta Villa Haegeysa tegay ayaa diiday inay saxiixaan buuga lagu xaadiriyo Xildhibaanada, si kooramka Golaha u furmo, isla markaana sheegay in Guddoonka uu damacsan yahay in muddo kordhin uu sameeyo.