Wafdi ka socda Somaliland oo gaaray Sool iyo hub lasoo Bandhigay

Wafdi ka socda Ciidanka Milateriga Maamulka Somaliland ayaa Maanta gaaray deegaano ku yaalla bariga Gobolka Sool, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha guud ee Ciidanka Milateriga Somaliland S/G Cabdirisaaq Af-gaduud, waxaana qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulkaas iyo Saraakiil Ciidan, iyagoo lagu soo dhaweeyay deegaano ku yaalla Sool.

Abaanduulaha iyo Guddoomiyaha ayaa kormeer ku tegay furimaha hore ee dagaalka ee deegaanka Tukaraq, isla markaana halkaas kula kulmay Talisyada ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaanadaas.

Somaliland ayaa furimaha hore ee dagaalka ee Tukaraq kusoo Bandhigtay gaadiidka nooca dagaalka iyo hub Culus oo uu kamid yihiin Taangiyo, Beebayaal iyo hub kale, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday.

Si kastaba Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa dhowr jeer ay dagaalo ku dhex-mareen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, kuwaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas in muddo halkaas isku hor-fadhiya Ciidamo ka kala tirsan labada maamul.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media