Kulan laga yeeshay Xaaladda barakacayaasha Jubbaland

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay xaalada barakacayaasha ku dhaqan deegaanka Jubbaland.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Maamulka Gobolka iyo kan degmada Kismaayo,Rugta ganacsiga Jubbaland,Guddiga arrimaha bulshada ee Gollaha Wakiilada dowlad Goboleedka Jubbaland,Odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah Hay’adaha Samafalka ee ka howl gala deegaanada Jubbaland.

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay kulankaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland ayaa siweyn looga hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa dadka Barakacayaasha ee jooga Jubbaland,isla markaana loogu heli lahaa guryo ay ku hoydaan,goobo Caafimaad iyo Waxbarasho iyo dhammaan adeegyada Bulshada.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland ayaa dib u dajin ugu sameysay qoysas Barakacayaal ah ah,kuwo dib uga soo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo kuwa ka soo barakacay deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.