Kulan deg deg ah oo looga hadlayay Khasaarihii uu geestay roobabkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa galabta lagu qabtay Xarunta Degmada Hadan ee Gobolka Banaadir.
Kulankaan ayaa waxaa shir Gudoomiyay Gudoomiye ku-xigeenka Howlaha guud Cumar Cali Cabdi iyo Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, waxaana looga hadlay sidii loogu gurman lahaa Dadkii uu u geestay Khasaareha roobka iyo sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa wadooyinkii ku Burburay buray roobka.
Roobabka oo da’ayay saacado dhowr ah ee saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa uu sameeyn ballaaran ku yeeshay qoysas danyar ah oo deganaa Xaafado ku yaalla Degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay Gurmad u sameenayeen qoysas danyar ah, isla markaana ku dhawaad 50 qoys ay ka soo saareen Guriyadooda oo biyo farabadan galeen.
Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday Guryo ku yaalla Degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ayaa waxaa lagu arkayay Guryo ay biyaha roobka ka buux-sameen oo dad da’ ah iyo Caruur laga soo saarayay.
Roobka ayaa sidoo kale sameeyay qaar kamid ah Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, kuwaasi ay xireen biyaha Roobka, isla markaana gaadiidka ay ku adeg tahay inay maraan, iyagoo isticmaalaya Waddooyin qardo-jeex ah.