Kheyre oo Xil sare u Magacaabay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka KGS

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa DR C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Degreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu magacaabay Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horeyu haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo.

Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub.