Jubbaland oo dhameystirtay Doorashada Aqalka Sare iyo Axmed Madoobe oo ka hdlay

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa Maanta lagu dhameystiray doorashada Senatorada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto deegaanada Jubbaland.

Doorashada kursiga shanaad ee Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Xasan Daahir yarrow iyo Cabdi Xuseen Cali, waxaana doorashada kurasigaas ku guuleystay Xasan Yaroow oo helay 59 Cod, halka Cabdi uu helay 13 Cod.

Kursiga Lixaad ayaa waxaa kusoo baxay Ibraahim Awgaab Cismaan oo helay  57 Cod, halka Musharaxii la tartamayay uu isna helay 14 Cod, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Kursiga 7-aad ayaa waxaa ku guuleysatay Layla Nuur Maax oo heshay 63 Cod, waxaana la tartameysay Musharax Xareedo Maxamed oo heshay 9 Cod, kursiga 8-aad ee Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa waxaa kusoo baxday Maryan Faarax Kaahiye oo heshay 50 Cod.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa u hambalyeeyay Senataradii Maanta kusoo baxay doorashadii Aqalka sare ee ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan xubnaha Cusub ee ah Kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka  JFS Waa talaabo kale oo inagu dhiiri galinaysa inaan sii wadno shaqooyinka kale ee ina horyaala si doorashadu ay ugu dhacdo wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah. Waxaan u mahad celinayaa gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka  ee hirgaliyay doorashadan muhiimka ah” ayuu tiri Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulka afaraad ee dhameystiray doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana horey u dhameystiray maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.