Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu Magacaabay guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug Puntland.
Xeer Madaxweyne Lr. 221 ee 22 December 2018, Kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waaya aragnimadiisa shaqo
Markuu Qiimeeyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
-DHAMMAAD-