Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay qof Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus oo sameeyn ballaaran ku yeeshay Caalamka.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in qofka laga helay Cudurka uu ku sugan yahay Magaalada Jigjiga, isla markaana si deg deg ah loo geeyay Xarunta loogu talagalay Karantiilka.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in qofka laga helay Coronavirus uu ka yimid dhanka dowlad Goboleedka Puntland uuna xaaladiisa Caafimaad la tacaalayaan dhaqaatiirta.
Tirada guud ee xanuunka COVID-19 laga helay ayaa gudaha dalka Itoobiya ayaa gaartay 123 qof, halka ay bogsatay 41 Ruux, waxaana Cudurka gudaha ugu geeriyooday saddex ruux.