Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay waaxda Koowaad ee Dharkeenley, waxaana inta uu socday howlgalka ay Israsaaseyn dhexmartay Ciidamada iyo rag hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen Burcad.
Dad ku sugan Waaxada Koowaad ee Dharkeenley ayaa waxaa ay sheegeen in Israsaaseynta oo socotay daqiiqado kooban lagu dilay kamid ah ragii hubeysnaa oo ay Ciidamada ay baacsanayeen.
Weli ma jiro war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka iyo maamulka Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan howlgalkaas ka dhacay gudaha degmadaas.