Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho waxaa ay saxeysaa war ku saabsanaa kulankii gaarka ahaa ee xalay Muqdisho ay ku yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ku-xigeenkiisa Koowaad iyo Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ee Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo looga hadlay xaaladda dalka.
Warkaan oo lagu qoray Bogga kana baxay Raadiyaha 8:00 subaxnimo ee saakay ayaa ahaa in hoggaanka Madasha xisbiyada Qaran ay dalbadeen in ay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo, hayeeshee Warka saxda ah ayaa ah in hoggaanka Madasha ay Guddoonka Golaha Shacabka kala hadleen Arrimaha doorashada iyo xaaladda Siyaasadeed ee dalka.
Warka lagu qoray boggaan ayaa u dhignaa sidaa “ Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulanka Caawa u socda Guddoomiye Maxamed Mursal, Muudey, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu la xiriiro mid Madaxdii hore ee dalka ay ku doonayaan inay la kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”.
Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo lasoo xiriiray Dalsan ayaa sheegay in warkaas uu ahaa mid aan sax aheyn, iyada oo raalin-gelin buuxda ay ka bixinayso Idacadda Dalsan warka ka baxay Raadi-yaha laguna daabacay boggaan.
“Idacada Dalsan waxaa ay kale si buuxda uga cudur daaranaysaa warkaas ku aaddanaa Madasha Xisbiyada ee Saakay ku baxay Warka Subax ee Raadiyaha laguna daabacay Bogga Idaacadda” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Maamulka Dalsan.