Imaaraadka Carabta oo Wakiil cusub u magacaawday Somaliland lana kulmay Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waraaqda aqoonsiga ka gudoomay wakiil dowladda Imaaraadka Carabta u magacaawday Somaliland Amb, Abdulla Alnaqbi, kaasi oo Maanta gaaray Magaalada Hargeysa.

Wakiilka oo madaxweynaha Somaliland gaarsiiyay waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida uu uga gudoomay.

“Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu Wakiilka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Somaliland muddo laga joogo soddon Sanno hadda ka dib markii ay xaqiijiyeen madaxbannaanidooda 1991kii, wakhtigan Somaliland ku soo fool-leeyihiin doorashooyin “ ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo maalgelinta Somaliland ay ka fuliyaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa imaaraadka carabta ku tilmaamay inuu yahay dalkii u horeeyey ee maalgelin baaxadaa leh ka fuliyy gudaha Somaliland, tanina ay keentay inuu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo labada dhinac.