Cabdi Xaashi oo kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee UK ee Somalia

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirka Ingiriiska uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka ah iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiir Marwo Kate Foster ayaa sigaar diirada u saaray sida lagu xalin karo ah caqabadaha ku hor gudban doorashada Soomaaliya oo haatan uu ka jiro muran u dhexeeya laba maamul Goboleed, DFS  iyo Midowga Musharaxiinta.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Marwo Kate Foster ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo soo magacaabay, isagoona kula dardar-maaray inay ka qeyb qaadato dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo muranka doorashada dalka.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaal xoogan oo lagu doonayo in lagu soo dhammeeyo khilaafka doorashada, isla markaana wada-hadal yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Gobooleedyada, si heshiis rasmi ah loo gaaro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor