Howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeayay Gaalkacyo

Ciidamada Booliska Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Xalay xaafadaha Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ka sameeyay howlgal Amniga lagu sugayo.

Ciidamada ayaa mid mid u baarayay Gaadiidka iyo dadweynaha magaalada waxaana wadajir u sameeyay Booliiska Saldhigyada Gaalkacyo ee labada Maamul.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu hugaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa booqasho ugu tagay Ciidanka howlgallada sameynayo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle iyo Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed ayaa ku bogaadiyay Ciidanka shaqada ay Bulshada u haayaan, ayna wadajir uga hortagaan cidkasta oo sameyneysa amni darro.