Howlgal lagu soo qab-qabtay Dhalinyaro oo xalay laga sameeyay Magaalada Muqdisho

Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Hamacad ayaa xalay howlgal saacado socday waxaa ay ka sameeyeen afarta Waaxood oo ay ka kooban tahay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa Ciidanka Booliska Haramcad iyo kuwa Nabadsugida ay baaritaano ugu sameeynayeen Guri guri xaafadaha degmada Howlwadaag, iyagoo Ciidanka ay galeen guryaha la baarayey, sida lagu arkay Muqaalo.

Ciidamada ayaa howlgalka kusoo qabtay boqolaal dhalinyaro ah, isal markaana isugu geeyay goob barxad ah, kadibna dhalinyarada la qabtay intooda badan lasii daayay, halka kuwo kalena hore ay u wateen Ciidanka, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka laga sameeyay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka degmada, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amniga.

Si kastaba Ciidamada Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Hamacad ayaa habeenadii ugu dambeeyay degmooyinka Gobolka ka sameeyay howlgalo lagu soo qab-qabtay boqolaal dhalinyaro ah iyo waxyaabaha qarxa, iyadoona Ujeedka howlgalka ay Saraakiisha amniga ku sheegeen inuu yahay mid lagu doonayo in lagu sugo amniga Magaalada Muqdisho.