Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo la doortay

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa goordhaweyd doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddigaas, kadib doorasho adeg oo Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho.

Doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Muuse Geelle Yuusuf iyo Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan, kuwaasi oo isku diiwaan-geliyey tartanka xilka Guddiga.

Xubnaha Guddiga ayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal u doortay inuu noqdo Muuse Geelle Yuusuf oo helay codad gaaraya 14 Cod, halka Musharaxii kale Cabdiraxiin Cabdicasiis uu helay 11 Cod.

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa horey u soo noqday Guddoomiyihii KMG-ka ee Guddiga doorashada, waxaana haatan uu bedelayaa Guddoomiyihii hore ee Guddigaas Maxamed Xasan Cirro oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Si kastaba Maxamed Cirro ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ku milman Arrimaha siyaasadda dalka, in kastoo xiligii xilka laga qaadayey uu warbaahinta ka sheegay inuu xilka Guddoomiyaha Guddiga uu isaga haayo.