Axmed madoobe oo ka qayb galay kulan lagu soo bandhigay miisaniyada 2020-2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo ay kasoo qeyb galeen Xubnaha golaha oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka koobaad.

Ugu horayn Wasaarada Maaliyada ayaa golaha usoo bandhigtay miisaniyada Sanadka 2020-2021 iyadoo akhrin iyo ka doodis dheer kadib ay golahu ansixiyeen waxaana miisaaniyadu ay dhan tahay 25,032,449,70 taas oo ka kala imanaysa meelo kala duwan.

Waxaa kale oo golahu uu doodii ugu danbaysay ka yeeshay xeerka Cusub ee hormarinta Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah waxaana golahu uu ku ansixiyay cod buuxa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media