Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa War kasoo saaray War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii dowlad Goboleedyada dalka ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay War-murtiyeedkii Shirka, wuxuuna sheegay in Go’aanka kasoo baxay Shirkaas uu arko mid hordhac ah Heshiis ay waadeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa bogaadin loogu diray Madaxda iyo Shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug kaalinta mugga leh ee ay ka qaateen qabsoomida shirkaas oo labdii maalin ee lasoo dhaafay socday.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu kalsooni badan uu ku qabo nuxurka kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb, isla markaana uu horseedi doono heshiis wadajir uu dalka u noqdo badbaado, nabad, xasilooni iyo horumar.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoomiye Cabdi Xaashi.