Guddiga Doorashooyinka oo Warbixin siiyay wafdi ka socday QM oo tagay Baydhabo

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS, ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Fiqi ayaa kulamo muhiima la qaatay wafdi ay hogaamineyso Kaaliyaha Xoghaya Qaramada Midoobey ee Afrika Mss Martha Akyaa pobee iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulamadaas oo ay ka qayb galeen Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka KGS ayaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar gelin lahaa Dooraashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo dhawaan la filaayo inay ka bilaamanto koonfur galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maamulka Doorashada (SEIT) Nuuridiin Ibrahim Aadan ayaa warbixin ka siiyay waftiga diyaar garowga Doorashooyinka Gollaha Shacabka, wuxuuna sheegey in ay si wanaagsan ay ugu diyaar garooween Qabashada Doorashada.

Wafdiga ayaa booqday Goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto Doorashada Gollaha Shacabka , iyagoona bogaadiyey diyaar garowga Wanaagsan ay  ugu jirto Koonfur Galbeed qabashada Doorashada Shacabka.