Faah faahin:-Khasaaro ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan ayaa ahaa Bamka Gacanta laga tuuro waxaana la sheegay in lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Fagax ee degmada Yaqshiid gobolkan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya  oo fariisin ku leh Isgoyska Fagax,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas waxaa ku dhaawacmay  5 ruux oo isugu jira Ciidamo iyo Shacab,waxaana jirtay rasaas ay fureen ciidamada.

Isgoyska Fagax ayaa ka mid ah Isgoysyada Mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho,waxana qaraxa kadib hakad galay isku socodkii dadka iyo Gaadiidka.

Xaalada ayaa haatan ah mid degan oo sideedii hore ku soo laabatay,waxana Goobtii weli ku sugan Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya,welina qaraxaas kama hadlin Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media